Skip navigation

Somali - Postsecondary Enrollment Options

Waa maxay barnaamijka Fursadaha Isku Qorista Waxbarashada Sare (PSEO)?

Barnaamijka Fursadaha Isku Qorista Waxbarashada Sare waxay ardada dhigata darajada kow-iyo-tobanaad iyo laba-iyoo-tobanaad fursad u siinaysaa in ay maaddo heer kulliyadeed ay ka qaataaan kulliyad rasmi ah. Bare kulliyadeed ayaa dhigaya Maaddooyinka. Maaddoooyin kala duwan ayaad qaadan kartaa, kuwaaso kala ah maddooyinka waxbarashada guud iyo farsmada inta u dhaxeeysa. Waxaa lagu qaaadanayaa kafool kafool fasal gudihiisa , internetka, ama labadooda oo laysku daro. Qayb ahaan ayaad ku qaadan kartaa, kuwaaso qaarkood aad ku kala qaadan karto dugsigaaga sare qaarna kulliyadda. Ama sii buuxda, oo aad gebi ahaantood aad kulliyadda ka qaadanayso.

Maxay yihiiin waxtarka qaadashada PSEO?

Bacdamaa maaddooyinka PSEO ay kuwo lacag-la’aan ay yihiin, waxaa kuu baaqanaya waqti iyo lacag si aad shaadadaada ku mutaysato. Ardada qaarkood shahaada jaamacadda laba sanadood ayay ku mutaysteen ayaga oo islamarkaana dhiganayay dugsigooda sare, lacag-la’aan. Barashada Shahaadada shaqo ayaad lacag-la’aan ku dhammaysan kartaa.

Haddii fasallada dugsigaaga sare ay yihiin kuwo aan xiiso badan lahayn ama aysan adkeyn , markaa PSEO waa fursad kuu fiican. Kulliyadaha iyo jaamacadaha waxay bixiyaan fasallo aad u badan. Tan waxay ku siinaysaa fursad aad ku indhaindheyso maaddooyin badan oo heer sare ah. Ardada PSEO waxay helayaan taageerada adeegyada oo lamida taagerada adeegyada ardada kulliyadda dhigata la siiyo, sida tababarayaasha qorista.

Daraasaduhu waxay kaloo muujinayaan in ardada maaddooyinka kulliyadda dugsiga sare ku qaata ay u badantahay in ay ku qalanjabiyaan shaahada jaamacadeed affar sanadood. Taasi waa muhiim. Sanad kasta ee siyaada kuugu ah dhigashada kulliyadda kharash lacag badan ah ayaa kaaga baxaya.

Yaa PSEO qaadan kara?

Waxaad PSEO ku dalban kartaa haddii darajada toban-iyo-koobaad ama toban-iyo-labaad dugsi sare ee Minnesota ah aad dhigato. Waxay u furantahay dugsiyada guud, kuwa gaarka, xarunta waxbarashada kala duwan, dugsiga jaartaka ama ardada waxbarashada guriga ku qaadanaya.

Sideen PSEO ku qaadanayaa?

Waxaad u baahantahay in aad kulliyad kasta ama jaamacad kasta kala xariirto shuurdaha aqbalidda iyo taarikhaha bartilmaan u ah dalbashada. Kulliyad kasta ee PSEO ka qaybqaadanaya waxuu leeyahay shurudaha u qalmidda ee u baahan in la dhammaystiro. View a list of participating Minnesota college and universities.

Sideen ku mutaystaa darajada Kulliyadda?

Waa in aad dhammaystirto isla hawsha ay ardada kulliyadda qabanayaan iyo in hawshaada lagu darajeeyo isla heerarka jira. Kaddibna nuqulka fasallada kulliyada ama jaamacadda ayaa lagu siinayaa. Tan waxay fursad kuu siinaysaa in aad darajada kulliyadda kale aad ku wareejiso. Dhammaan kulliyadaha iyo jaamacadaha guud oo idil iyo kuwa gaarka loo leeyahay qaarkood ee Minnesota waxay aqbalaan maaddooyinka darajada ee lagu mutaystay ayadoo PSEO loo soo maray. Dugsiyo guud iyo kuwo gaar loo leeyahay oo badan ee gobollo kale sidoo kale ayay sameeyaan.

Sideen darajada dugsiga sare uga mutaystaa?

Waa in aad nuqulka fasallada aad qaadatay maaddooyinka PSEO la wadaagto dugsigaaga sare si aad dugsiga maaddada qaddarinta uga hesho. Wax sii toso ah lagu helayo maaha.

Intee la egtahay tirada ardada Minnesota ee PSEO qaadata?

2011, wax ka badan 8,000 ee ardada Minnesota ayaa maaddooyinka PSEO ka faaidaystay.

Waa imisa kharashka ku baxaya?

PSEO waa waxbarasho lacag-la’aan u ah ardada Minnesota. Tan waxaa ku jira kharashka maaddada, ujrooyinka iyo buugagga. Ma kabayo kharshka guud ee qalabka dugsiga (sida buugagga wax lagu qorto, qalmaanta, iwm.) kharashka qalbaka muddada dheer (sida makiinadaha xisaabta, qalabka la soo ijaarto, labbiska, iwm.). Kharashka gaadiidkaaga (lacagta baska, baska ama gaariga, ujrada meelaha gaariga la dhigto, iwm.) sidoo kale kuma uu jiro. Lataliyaha dugsigaaga weydiiso haddii lacag lagaaga celinayo kharashyadaan.

Xaggee ka heli kara macluumaad dheeraada ee PSEO ku saabsan?

Waxaad isuduwaha PSEO kala xariiri karta kulliyadaha aad danaynayso si aad macluumaad dheeraada ee barnaamijyada la bixiyo ku saabsan uga hesho. You can also find information on the Minnesota Department of Education website, ama kala hadal lataliyaha dugsiigaaga sare.

 
  • Copyright 2012
  • Minnesota Department of Education