Skip navigation

Somali - International Baccalaureate

Waa maxay barnaamijka Jamacadeed ee Caalamiga?

IB waa barnaamij ardada jira saddex illaa 19 sano loogu talagalay. Ardada dugsiyada sare ee dhigata darajada kow-iyo-tobonaad iyo laba-iyo-tobanaad waxay isku qori koraan maaddooyin gaar ah ee IB ama barnaamijka shahaadada lagu qaadanayo labada sano ee guud. Waxaad dooranaysaa fasallada heerarka caadiga iyo kuwa sare ee aad afkaaga hooyo ku qaadanaysid, iyo xitaa fasallada aad luqad labaad ee kale ku qaadato, culuunta, adaabka, sayniska, xisaabata iyo fanka. Fasallada waxaa dugsigaaga ku dhigaya barayaasha dugsiga sare. Dugsiyada badankood, waxaad haysataa fursad aad ku dooranayso tiro kasta ee maaddooyika IB, ay ku jirto dhammaystiridda buuxda ee Shahaadada IB (6 maaddo).

Waa maxay waxtarka uu barnaamijka IB leeyahay?

Barnaamijka IB waxa uu kuu diyaarinayaa culayska shaqada kugu sugaysa heerka kulliyadda. Waxay kugu caawinaysaa in aad dhisato xirfadaha waxbarashadaada iyo qoristaada ayadoo laysku weydaarsanayo doodadaha, hawlaha loo madaxbannanyahay, kuwa shaqsi ahaanta iyo koox ahaan lagu soo bandhigayo. Waxa dhici karto in aad hadhow ku fiicnaato fasalladaada kulliyadda sababto ah waxa aad helaysaa xirfadaha aad u baahantahay in aad guulaysato.

Waxa dhici karta in aad ku mutaysato maaddoyinka darajada kulliyadaha iyo jaamacadaha Maraykanka iyo dawalado kale. Si aad ugu qalanto, waxa lagaa rabaa in aad mutaysato natiijo dhibcaha gudbidda ee imtixaanada IB ee aad qaadanayaso. Haddii kulliyadda ama jaamacadda ay ku guddoon siiso maaddada darajada, marka waxaa kuu baaqanaya waqti iyo lacag marka aad si rasmi jaamacadda u gasho.

Barnaamijka waxa uu kugu caawinayaa in aad barato mowduucyada aragtii caalami ah, adiga oo indhoindheynaya luqaddaada iyo dhanqankaaga. Barashada dhaqamada kale waxay kugu caawinaysaa in aad si fiican u fahamto dhaqankaaga sidoo kale. Waxay kaloo kugu caawinaysaa in aad la shaqayso dad kale ee ka socda caalamka kale.

Yaa ka qaybgali kara barnaamijka IB?

Qeynuunka dugysiyada way kala duwanyhiin. Kuwo badan waxay u oggol yihiin in arday kasta ka qaybqaato. Kuwa kalena waxay kugu xirayaan in aadan ka hoos mari Karin ugu yaraan darajo dhexe ama fasallada qaarkoo aad soo qaadato. La xiriir Lataliyaha dugsigaaga haddii aad mudnaansho u leedahay.

Barnaamijka IB dugsigayga ma laga bixiyaa?

Barnaamijka dugsiga sare waxaa laga bixiyaa in ka badan 20 dugsiyadasare ee Minnesota. Badankod waxay ka tirsanyihiin dugsiyada guud ee deegaanka Twin Citiess. La xariir lataliyaha dugsigaaga si aad ku ogaatid haddii dugsigaaga uu ka qaybqaato. Visit the Minnesota Association of IB World Schools website for a complete list of schools.

Sidee ayaan maddooyinka qaddarinta kulliyaddaq ku mutaystaa?

Qawaanintu kulliyad ka kulliyad waa ku kala duwanyihiin, marka waqti macluumaad raadso. Qaarkood waxay bixiyaan waxbarasho lacag la’aan ah halka ay maadooyin darajada ka bixin lahaayeen. U qalmid yeelashada maaddooyinka darajada kulliyada axay ku salaysantahay dhibcahaaga imtixaamka IB. Waxa imtixaamka IB aad ka qaadan kartaa mid kasta oo kamid ah maadooyinka IB ee aad doorato in aad qaadato. Kuliyadaha badankood waxay rabaan dhibco 4 ama 5 ah si maaddada darajada lagu mutaysto.

Maxaa waxaan oo dhan loo maraya si maaddada darajada kulliyadda lagu mutaysto?. Waa fududdahay: waxaaad si dhaqsa ah ugu gudbaysaa maaddooyinka heerarka sare. Taasi waxay kuu baajinaysaa waqti iyo lacag. Waxay kaloo fursad kuu siinaysaa in aad labajibaarato waxabarshada takhasuska ama xitaa in aad dibadda wax ku soo barato.

Haddii aad dhib ku qabtid si aad macluumaad u heli lahayd ama aad wax ku fahamto, caawimaad weydiiso lataliyaha dugsigaaga.

Intee la egtahay tirada ardada dugsiyada sare ee Minnesota ee barnnaamijka IB ka qaybqaata?

2010, in ka badan 2,300 oo arday ayaa ka qaybqaatay barnaamijka shahaadada kulliyadda ka horeeya iyo 5,000 oo qaadatay imtixaamada IB. Ku dhawaad boqolkiiba 28 guud ahaan imtixaam galayaasha waxay ahaayeen arday madow ah.

Imisu yahay kharashka ku baxaya?

Dugsiyada sare qarashkoodu wuu kala duwan yahay. Waxa ay ka midaysanyihiin ujrada diiwaangalinta. Qayb ka mida ujradaan waxaa kabaya dugsigaaga ama gobolka Minnesota. La xiriir Latiyaha dugsigaaga si aad ku ogaatid haddii aad u qalantid.

Xaggeen ka heli karaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka IB?

Visit the Minnesota Association of IB World Schools website or talk with your school counselor.

 
  • Copyright 2012
  • Minnesota Department of Education