Skip navigation

Somali - Career/Technical Education

Maxay yihiin xirfadda iyo waxbarashada farsamda (CTE)?

Xirfadda iyo waxbarashad farsamada waxay ku siinayaan fursad aad ku gaarto fahmada salkeeda ee fikradaha cilmiga waxbarashada. Waxaad kaloo baran kartaa xirfadaha farsamada. Fasallada waxaa laga bixiyaa dugsi sare oo kasta ee Minnesota. Barnaamijyada waxaa lagula toosiyay barnaamijyo la xariira ee Minnesota dugsiyadeeda guud iyo kulliyadaha farsamada. Tan waxay fursad kuu siinaysaa si aad si fudud ku sii wadatid waxbarashada kulliyadda si aad ku mutaysato shahaado jaamacadeed, shaahaado, ama aqoonsi. Waxaad baran kartaa maddooyinka beeraha iyo fanka u dhaxeeya, caafimaadka iyo adeegyada aadanaha, injineernimada iyo ganacsiga.

Maxay yihiin waxtarka CTE?

Fasallada CTE waxay kaa caawin in aad la xirato waxa aad baranayso iyo nolosha dhabta ah. Waxay kugu caawin kartaa si aad ku heli lahayd xirfado gaar ah si aad shaqo ugu hesho kaddib marka aad qalinjabiso. Haddana waa si weyn ee aad ku raadsan lahayd fursado xirfadeed iyo dad kula shaqeeya oo aad kula kulanto. Haddana waa fursad weyn o kuu sahleysa sidii aad u heli laheyd xirfado kala duwan, isla markaasna aad kula kulmi laheyd dadka ku shaqeya xirfadaas. Taasi waxay kuu ogolaan kartaa in aad hesho darajooyinka kulliyada adiga o ku jira dugsiga sare. Taasi waxey kol dambe kuu baajin kartaa lacag iyo waqti.

Cilmi baristu waxay kaloo muujinaysaa ardada dhigata xirfadaha iyo barnaamijyada farsamada waxay u badantahay in ay dugsi sare ka qalinjabinayaan marka la barbadhigo kuwa aan dhigan.

Yaa qaadan kara fasallada CTE?

Waad qaadan kartaa fasallada CTE marka aad darajooyinka saagaalaad illa 12aad aad ku jirto. Waxaad kaloo ka qabyqaadan kartaa haddii aad ku jirto barnaamij shaqo barasho ee laga bixiyo mid ka mida jaalliyadda ama kulliyad farsamo.

Sidee ku qaataa fasallada CTE?

Lataliyaha dugsigaaga sare ama lataliyaha diiwaangalinta jaamacadda la xariir si fursadahaaga aad ku ogaatid.

Sideen ku muteystaa maaddada darajada?

Dugsiya badan waxay heshiis la galeen jaalliyaada deegaanka ama kulliyadda farsamada. Tani waxay adiga fursad kuu siinaysaa in aad darajada maaddada kulliyadda ku mutaysato Kulliyadda ama kulliyad kale ee nidaamka gobolka ka tirsan ee isla barnaamijkaa leh.

Fasallada CTE ee dugsigaaga sare waxaa kaloo laga bixin karaa qorista israacsan [link to page] ama barnaamijka Fursadaha Isku Qorista Waxbarashada Sare [link to page].

Intee la egtahay tirada ardada Minnesota ee fasallada CTE qaata?

2011, wax ka badan 100,000 ee arday ayaa ku hawlana CTE laga bixiyo dugsigooda sare in ka badan 100 saacadood kiiba.

Imisu yahay kharasha ku baxaya?

Fasallada waa lacag la’aan haddii aad dugsi sare dhigato. Waxaa dhici karta in aad ujro ku bixiso sancada ama qalabka looga bahanyahay fasalka. Haddii aad tahay mid dhigta kulliyadda jaalliyadda ama kulliyadda farsamada, waa in aad bixiso lacagta iyo ujrada waxbarshada.

Xaggeen ka heli karaa maclumaad dheeraada ee CTE ku saabsan?

Visit the Minnesota State Colleges and Universities website ama lataliyaha dugsigaaga la xariir.

 
  • Copyright 2012
  • Minnesota Department of Education